SAFARKA Nolosha oo dhan ayaa ah safaro o safar bey ku bilaabataa
safarna way ku soo dhamaata sidaa darted bilowga io
dhamaadka dhexdooda ayay ahaatay nolosheena
adeygeeda ama fudeydkeeda, duruufaheeda ama
ladnaanteda, farxadeeda ama murugteeda.
Sidaas ay tahay midna anaga ma doorano e waxaan ku
noolaanaa nolol uu alle qadaray inta aana dhalanin kahor,
waxaa taasi daliil u ah: in badan oo naga mid ahi way
halgamaan si ay nolol qurux badan u sameystaan mana
gaaran ilaa ay dhintaan, qaar kalena iyagoo aana wax
tacab iyo fikirba ka galin ayay ku noolaadan nolol
mideeda u ladan, farqiga u dhaxeeya labadaa qof ayaa
ah:- midi waa waayo-arag ay noloshu bartay
sharciyadeeda adag, midka kalana waa dalxiise aana
nolosha aqoonin se laga baraayo qaybaheda quruxda
badan oo kaliya.Waxaa dhab ah in qof kastaa oo inaga
mid ahi uu doonayo kaliya nolosha qaybteeda quruxda
3
No comments:
Post a Comment